Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa magacaabay Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Puntland kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay Cornel Aadan Nuur Qaal oo noqon doona Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug.
Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Mudug, oo xilkaas kusime ka ahaa tan iyo markii xilka laga qaaday taliyihii qeybta booliska gobolka Mudug Cornel Cismaan Xasan Cowke.
Cornel Aadan Nuur Qaal, ayaa noqonaaya Taliyihii 3aad oo xilkaasi loo magacaabo muddo ka yar Laba sanno.
Si kastaba ha ahaatee, C/wali Gaas ayaa Taliyaha cusub kula dardaarmay in howlihiisa shaqo uu u guto si waafaqsan sharciga, waxa uuna kaga digay in xilka uu u isticmaalo si khaldan.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]