27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Gaas oo si niyad jab leh uga hadlay xiisadaha ka taagan Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa goordhow ka hadlay xiisadaha ka taagan Magaalooyinka Puntland.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in xiisadaasi ay tahay mid ay abaabulkeedu leeyihiin Kooxo maslaxad gaara ka leh Puntland, waxa uuna sheegay inay kasoo horjeedan xasiloonida Puntland.

Gaas, waxa uu tilmaamay inay la xisaabtami doonaan dhammaan dhinacyada wada xiisada ee u tafaxeydanaaya dhibaateynta shacabka.

Ciidamo ka gadoodsan xuquuq la’aan ayaa maalmo ka hor qabsaday qeybo ka mid ah Magaalada Garoowe, waxa ayna gadoodkooda u sababeynayaan in Hogaamiyaha maamulka uu si cad u qaadacay bixinta mushaaraadka 7 bil.

Dhinaca kale, Xildhibaanada maamulka ayaa ku goodiyay inay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News