Gaas oo siyaasi caan ah ka saaray liiska musharaxiinta aqalka sare (Aqri liiska cusub)

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta soo bandhigey liiska rasmiga ah ee u tartamaya aqalka sare, kaas oo xubno laga bedalay.

Xubnaha isbedalay waxaa kamid ah xubintii la tartameysey Saynab Xaashi Biixi, oo lagu bedalay laba gabadhood oo kale, kaas oo xaqiijinaya in qof haween ah kursigaas ku soo baxayo.

Sidoo kale waxaa liiskan ka maqan Mahad Cawad oo la tartamaayey Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan).

Liiska cusub ee maanta uu shaaciyay Baarlamaanka Puntland ayaa gebi ahaanba laga waayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad oo hore uga mid ahaa Liiskii hore

Mahad Cawad ayaa isbeheysi siyaasadeed oo xoog leh la leh C/weli Gaas iyo Puntland, laakiin waxaa ka hor yimid awood qeybsiga qabiilka ku dhisan oo keentay in C/weli looga adkaado liiska Aqalka sare lagana saaro saaxiibkii siyaasadeed ee qura oo Beesha Harti ku wehliyay degaanada Puntland.

Beesha Dir ee Mudug ayaa labadeeda aqal la geeyay Cadaado iyo maamulka Galmudug, taasoo siyaasad ahaan uu arrinteeda ku adkaatay madaxweyanah Galmudug C/kariin Guuleed, haddana waxaa muuqata in siyaasiga Mahad Cabdalla Cawad uu bannaanka ku soo dhacay, isagoo ka haray xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka cusub.

Liiska cusub ayaa noqonaya sidan:

1.Saynab Xaashi Biixi
Shukri Aadan Maxamed
Xaawo Caynab Cabdi.

2.Hodon Maxamuud Cismaan,
Basro Cumar Geele.

3. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,
Aamino Aadan Cabdullaahi.

4. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Farole
Cabdi Mahad Abshir Cismaan.

5. Siciido Xassan Cismaan.
Axmed Cabdala Tigaana,
Siciid Maxamuud Aadan,
Maxamed Maxamuud Cali Bile.

6. Cabdirisaaq Xassan Cismaan Juurile.
Hodon Ismaaciil Cilmi.

7. Maxamuud Axmed Maxamuud
Faadumo Siciid Maxamed.

8: Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan).
Maxamuud Cali Siciid,
Bootaan Bare Samatar.

9: Cabdixakiin Axmed Xaashi.
Mahad Daahir Sheekh Nuur.
Cabdulqaadir Faarax Shaaciye.

10: Cali Ismaaciil Cabdi Giir.
Shukri Cabdullaahi Maxamuud.
Farxaan Cali Xusseen.

11. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere.
Siciid Maxamed Cali.
Faarax Cawad Jaamac.

Liiska Puntland ayaa la aaminsan ugu yaraan in saddex gabdhood ay ku soo baxayaan tartanka, kuwaas oo laba boos oo kamid ah haween keliya ku tartamayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com