Gaas oo u baxay inuu soo galo heshiis cusub kaddib heshiiskii ay diiday DFS

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Cabdiweli Cali Gaas ayaa saaka oo Isniin ah u dhoofey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Safarka Gaas waxaa ku weheliya Agaasimaha Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka, Wasiirka dekedaha iyo Wasiiru dowlaha xiriirka Caalimiga.

Wararka ayaa tibaaxaya in ujeedada safarkani la xiriirto kulamo wafdiga Puntland Addis Ababa kula soo qaadan doonaan shirkado shidaal iyo kuwo ganacsi.

Booqashadii ugu dambeysay ee Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas ku tago dalka Ethiopia ayaa waxaa uu heshiis kula soo galey shirkad kamid ah kuwa shidaalka ka baarta badaha.

Sidoo kale, Dhowaan ayey aheyd markii booqasho Puntland ku yimideen ganacsato u dhalatey wadanka China kuwaasoo fadhigoodu yahay dalka Ethiopia.

Bishii hore ayaa shirkad Red Emperor waxa ay sheegtay inay joojisay heshiis shidaal sahmin oo ay la gashay Puntland, kadib amar kasoo bay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal ay soo saartay ayey ku sheegtay in Shirkadu ay tixgalineyso go’aanka Wasaarada Tamarta ee dowladda Federaalka ee ahaa inaan Deegaanada Puntland laga sameyn karin wax Shidaal baaris ah, iyadoo aan ogolaansho laga heysan DF Somalia.

Si kastaba, waxaa muuqata in Puntland aysan weli ka quusan arrinta ayna raadineyso shirkado kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com