Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Galmudug iyo Ahlu sunna ay halis ugu jiraan iney markale ku dagaalamaan degmada Caabudwaaq.
labada dhinac ayaa ciidamo badan geeyay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana laga baqayaa in dagaal markale uu ka dhacaa degmadaasi.
Waxgaradka magaalada ku sugan ayaa ka digaya in ciidamada ku qul qulaya magaalada iney abuuraan xiisad kale oo kacsanaan ah iyo in markale lagu dul dagaalamaa dadka deegaanka.
Magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Dilal ku Saleysan Aano Qabiil,waxaana Mamaulka Galmudug iyo Ahlusunna Labaduba ay ku Doodayaan in ay wax ka qabanayaan.
Galmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay geysay magaalada ciidamo badan, iyadoo Ahlu sunna dhankeeda ay ciidamo geysay magaalada.
Xiisad ayaana ka taagan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]