28.9 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

Galmudug oo mamnuucday in gaadiidka dagaalka laga soo dejiyo deegaanadeeda

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Galmudug ayaa mamnuucay in gawaarida dagaalka, gaar ahaan nooca Cabdibilaha laga soo dejiyo deegaannada maamulkaasi, gaar ahaan Dekedda magaalada Hubyo ee gobolka Mudug.

Warqad digniin ah oo kasoo baxday wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa  lagu sheegay in maanta kadib la mamnuucay gaadiidka nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan Cabdibilaha, isla markaana aan la keeni karin, sidoo kalena aan laga rari karin Hobyo.

“Wasaaradda amniga Galmudug ayaa maanta, 21-ka October 2025, ku dhawaaqday mamnuucid lagu soo dejinayo gawaarida nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan Cabdibilaha, iyadoo laga bilaabo maanta aan la ogolaan doonin in lagu soo raro ama laga soo dajiyo dekedda Hobyo” ayaa lagu qoraalka soo baxay.

Sidoo kale, waxaa gigniintan si rasmi ah loo gaarsiiyay dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha ka howlgala gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyada oo la faray inay u hogaansamaan inay fuliyaan amarkan oo si buuxda ay u gutaan waajibaadkooda.

“Wasaaraddu waxay digniin adag u dirtay cid kasta oo ku lug yeelata keenista gaadiidkan, iyadoo sheegtay in lagu tiri doono kuwa la shaqeeya argagixisada iyo dambiilayaasha” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Go’aankan ayaa muuqdo mid ay Galmudug ku xakameyneyso dhaq-dhaqaaqa guud ee deegaannadeeda, maadaama la galayo doorashooyin adag, isla markaana ay bilowdeen abaabul xooggan oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Qoor Qoor.

Go’aankan mid lamid ah waxaa iyana horay usoo saartay HirShabelle, oo gaadiidka ciidanka iyo hub ka mamnuucday deegaannadeeda, sababo la xiriira ammaanka.

Arrintan ayaa imanaysa xilli siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Galmudug iyo HirShabelle ay ku quud-daraynayaan hoggaanka maamulladaasi, iyadoo la sheegay in qaar kamid ah ay isku dayayaan in ay ciidan ama hub keensadaan si ay u abuuraan cadaadis siyaasadeed.

Si kastaba, tallaabadan ayaa uga sii dari karta xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda maamullada dalka ee galaya doorashada, taas la filayo in ay saamayn ku yeelato siyaasadda gobolka Shabeellada iyo Hiiraan.

Screenshot
- Advertisement -

Read more

Local News