GALMUDUG oo war cusub kasoo saartay DAGAALKA ay ku qaadeyso GURICEEL

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadlay qorshaha dagaalka ka dhanka ah ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, kadib markii ay gacan ku haynteeda la wareegen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa shaaca ka qaadag in maamulka Qoor Qoor uu qorsheynayo in si farsameyn oo aan dadka rayidka ah iyo kuwa caadiga ahba wax ku gaarin kula wareegan Guriceel.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay kaabiga ku hayaan degmada Guriceel, oo ay ku sugan yihiin ciidamada ka amar qaata hogaanka Ahlu-Sunna.

“Ciidamada dowladda kaabiga ayey ku hayaan, waxay dowladda ku howlan tahay in si farsameyn oo dadka rayidka ah waxba u gaarin markaa in dhawaan guul laga gaaro ayaa la rajeynaya,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

“Dowladda waxay ku howlan tahay dhan walba oo lagu yareyn karo in shacbiga wax gaaran haddey noqon laheyd hab beeleedka, aqoonta iyo hadday noqon laheyd dhan walba oo arrimahaas lagu fududeyn karo wey ku howlan tahay, marna dowladda nabad ma diidin waxay ka hortageysay xad-gudubyada iyo in amniga wax loo dhimo.”

Wasiir Falagle ayaa waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dowladda ay diidaneyn wada-hadal ay ka gasho xiisada taagan, hase yeeshe aysan jirin cid illaa hadda ku guuleysatay in dhanka kale ka keento arrintaas, sida uu sheegay.

“Sababaha ay ciidamada ugu dhawaadeen deegaankaasi waxa weeyi in deegaankaasi uu noqdo mid uu sharciga dowladda ka jiro dadkana ay nabad ku noolaadan, mardhowna arrintaas waa soo afjarmaysa.”

Waxaa maalmihii u dambeeyay kasii dareysay xiisada ka dhex aloosan hogaanka Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Qoor Qoor, waxaana ciidamadii u dambeeyay ee ka tirsan dowladda ay shalay gaareen degmada Matabaan, halka kuwo kale ku sugan yihiin deegaano aan wax badan u jirin Guriceel.