26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

GAL-MUDUG: Puntland ma maamusho SAAXO, mana maamuli doonto abid !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Gal-Mudug ayaa sheegay in deegaanka Saaxo ee duleedka ka ah gobalka Mudug aanu ka jirin maamul Puntland ah, islamarkaana deegaankaasi uu ka mid yahay deegaanada loo dhisyo maamulka mideynayo gobalada Mudug iyo Gal-Gaduud.

Agaasimaha wasaaradda warfaafinta Gal-mudug Cilmi Kulan Geedi ayaa sheegay in deegaanka Saaxo uu ka mid yahay deegaanada Gal-mudug, halka Puntland-na ay sheegtay war kaas ka duwan.

Cilmi Kulan ayaa u sheegay maamulka Puntland in aanay iska hor keenin dadka wada degan deegaankaasi, dadkaasina ay walaalo.

“Waan ka xunnahay runtii deegaan Puntland aanay wax ka deganeen in ay tirahdo shacab Puntland ah ayaa wax la yeelay, dadka Saaxo wada degan iyaga ayaa ehel ah, waxaan u jeedinayaa in aysan u ekaan dadka iska hor keenaya dadka walaalaha ah” ayuu yiri Cilmi kulan Geedi.

“Puntland ma maasho Saaxo, mana maamuli doonto” ayuu hadalkiisa raaciyey Cilmi Kulan.

Dhanka kale agaasimaha ayaa ku baaqay in shacabka ku wada nool deegaanka Saaxo ay ka fogaadaan dagaalada dhexdooda ah, islamarkaana nabadda laga wada qaato.

Dhawaaan waxaa deegaanka Saaxo gaaray mas’uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Puntland u qaabilsan gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey, isaga oo halkaasi ka sheegay in deegaankaasi uu ka mid yahay Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News