Gaalkacyo (Caasimada Online)– Cabdirissaq Muuse Nuur “Jaxeer” oo ka mid ahaa waxgaradka iyo ganacsatada magaalada Gaalkacyo ayaa qarax loogu xiray gaarigiisa uu ku geeriyooday.
Qaraxaan oo dhacay xili uu kasoo baxayay gurigiisa ayaa waxaa uu muujinayaa in qaraxu ahaa mid horay loo diyaariyay, waxaana xaqiijiyay geerida nabaddoonka Taliyaha booliska qaybta gobolka Mudug Adan Nuur Qaal.
C/risaaq Muuse Nuur “Jaxeer” ayaa ka mid ahaa guddigii abaaraha iyo guddiga dib u dhiska Isbitaalka magaalada Gaalkacyo.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan lagu qaarijiyay C/risaaq Jaxeer oo si weyn looga yaqiin magaalada Gaalkacyo.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]