26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Ganacsade Jabuutaawi oo kiis culus maanta lagu xiray Laascaanood + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, ayaa xaqiijinaya in xabsiga la dhigay ganacsadaha caan ah ee lagu magacaabo Maxamed Jabuutaawi.

Go’aanka lagu xiray ayaa ka yimid Maxkamadda Gobolka Sool oo waaran qabasho ah usoo jartay ganacsadaha, oo dhawaan isku soo sharaxay xilka madaxweynaha, iyadoo markiiba dambe laga reebay liiska musharaxiinta rasmiga ah.

Isimada dhaqanka beesha Jaamac Siyaad oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa saldhiga geeyey Jabuutaawi, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.

Garaadka ayaa ciidamada booliska ku wareejiyay Jabuutaawi, oo caawa u hooyanaya xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood.

Ganacsade Jabuutaawi ayaa sida la sheegay ku eedeysan in uu ka dambeeyay falal lidi ku ah amniga oo dhawaan Laascanood ka dhacay, kuwaas oo dad ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Hase yeeshee, saraakiisha booliska ee Waqooyi Bari weli kama aysan hadlin arrinta ku saabsan xariga ganacsadaha, kaas oo dhawaan laga hor istaagay inuu ka qeyb galo tartanka doorashadii madaxtinimada maamulka ee 30-kii August ka dhacday Laascaanood.

Intii ay socotay doorashada maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari ayaa waxaa gudaha magaalada Laascaanood ka dhacay rabshado salka ku haya khilaaf siyaasi ah, kadib markii beelaha qaar ay saluug ka muujiyeen hanaanka doorasho ee ku soo baxay Madaxweyne Firdhiye.

- Advertisement -

Read more

Local News