Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka South Africa ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray Seddex ruux oo Soomaali ah kuwaa oo loo heysto dilka Ganacsade kasoo jeeda Dalka Ethiopia.
Booliska Degmadda Salvakop ee Bartamaha Caasimadda dalkaasi ee Pretoria, ayaa Seddexdaasi ruux ee Ganacsatada ah u qabtay dilka Ganacsadahaasi Ethiopian-ka ah.
Booliska ayaa sheegay in Seddexdaasi ruux ee Soomaalida ah ay ka danbeeyen dilka Muwaadinkaasi Ethiopian-ka ah, kadib markii ay heleen Cademo muujinaaya qaabka uu dilka u dhacay, sida ay qoreen Wargeysyada kasoo baxa dalkaasi.
Captain Augustinah Selepe oo ah Afhayeenadda Boliska Koonfurta Afrika, ayaa sheegtay in Ganacsadaha Ethiopian-ka ah lagu dhex toogtay goobtiisa Ganacsi, xili uu ku jiray hurdo gaaban.
Captain Augustinah Selepe, waxay sheegtay in dilka ay u qabteen Seddexda Soomaalida ah, waxa ayna meesha ka saartay inay ka madaxbanaan yihiin dilka, sida ay hadalka u dhigtay.
Dableydii ayaa la sheegay inay dhaceen lacag aan cadadeeda la aqoonin, waxayna ku baxsadeen gaari cad, sida ay Goobjoogayaal u sheegeen Baarayaasha Boliska.
Captain Augustinah Selepe, waxa ay ka gaabsatay inay shaaciso Magacyada eedeysanayaasha Soomaalida oo dhan ilaa Seddex.
Geesta kale, Captain Augustinah Selepe, waxa ay sheegtay in eedeysanayaasha ay da’doodii u dhexeyso 26-jir ilaa 27-jir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

