Gedo: 2,000 oo askari iyo saraakiil la soo xero geliyey – DF oo wadda qorshe culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Kadib dagaalkii 22-kii bishii hore ee July ka qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa Dowladda Federaalka ku qasabtay in ay ciidan ka qorto degmadaasi iyo guud ahaan gobolka, iyadoo weli taagan khilaafka kala dhaxeeya Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ciidamadii laga qoray Beledxaawo ayaa Dowladda Federaalka ka taageeray in 30-kii July ciidanka Jubbaland laga saaro magaalada, iyo in 11-kii bishan sidoo kale laga saaro deegaanka Tuulo Amiin oo dhinaca waqooyi uga beegan Beledxaawo.

Ciidamadan ayaa isugu jira maleeshiyo beeleed la siiyay labiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Hayโ€™adda Nabad Sugidda, iyo weliba qaar ka mid ah ciidankii Jubbaland, oo saraakiishooda lagu qanciyay in ay ku biiraan Ciidanka Dowladda Federaalka, iyadoo soo xere-gelintooda dhaqaale badan lagu bixiyay.

Ciidamo yar ayaa horey uga joogay Dowladda Federaalka magaalada, balse maanta tirada ku sugan halkaasi waxaa lagu qiyaasaa illaa shan boqol oo askari, waxaana weli socda qorista ciidamo cusub oo lagu tababarayo Beledxaawo.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), Taliyaha Hayโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ahna Madaxa Amniga Gobolka Gedo, iyo saraakiil kale oo ku sugan Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee UK ku leh duleedka bari ee Beledxaawo, ayaa halkaasi ku diyaarinaya ciidamada cusub.

Dowladda Federaalka ayaan wax gurmad ciidan ah ka dejin xerada UK, marka laga reebo diyaarad helicopter ah oo saraakiil deegaanka u dhashay ku gaysay halkaasi, kuwaas oo Cabdirashiid Janan kala shaqeynaya qarameynta ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii Talaadada ugu baaqay Ciidanka Jubbaland ee u tallaabay dhanka Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda. Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in aan cidina la ciqaabi doonin, isla markaana loo ballanqaadayo badqabka iyo nabadgelyadooda.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa soo geba-gabeysay qarameynta ciidamadii horey ugu sugnaa degmooyinka Garbahaarey iyo Buurdhuubo, iyadoo hadda u jeedsatay dhismaha ciidanka Jubbaland ee ku sugan Luuq, Baardheere iyo Ceelwaaq, si loogu diiwaangeliyo Ciidanka Dowladda Federaalka loona siiyo mushaar iyo gunnada ay qaataan ciidamada kale.

Ciidamada hadda diyaarka ah ee ku sugan gobolka Gedo ayaa lagu qiyaasaa in ka badan laba kun oo askari, kuwaas oo intooda badan ku sugan Ceelwaaq iyo deegaanka xuduudka ku yaalla ee Gariley. Ciidamadan badankoodu waa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ka amar-qaata General Cabaas Ibraahim Gurey.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle), oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka, ayaa sheegay in qorshaha lagu qarameynayo ciidamadaasi uu meel wanaagsan marayo. Hase yeeshee, General Cabaas Ibraahim Gurey, oo muddooyinkan ku magacawnaa Taliyaha Daraawiishta Jubbaland ee gobolka, weli kama hadlin arrintan.

Jananka waxaa si dhow loola xiriiriyaa madaxda Jubbaland, mana jirto meel uu illaa iyo hadda kaga taageeray isbedellada Dowladda Federaalka ka wado gobolkaasi.

Saraakiisha Dowladda Federaalka waxaa caqabad ku ah sidii ay Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey), uga dhaadhicin lahaayeen inuu ka tanaasulo taageerada Jubbaland ugana hoos yimaado Dowladda Federaalka, sida ay sameeyeen guddoomiyeyaasha degmooyinka Luuq, Beledxaawo, Garbahaarey, Buurdhuubo, Baardheere iyo Ceelwaaq.

Inkastoo Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq, Ibraahim Guuleed Aadan, uu door bidayo inuu ka sii hoos shaqeeyo Jubbaland, hadana la sheegay inuusan mabdaโ€™ ahaan diidmo adag u qabin inuu la shaqeeyo Dowladda Federaalka, marka loo eego Guddoomiye Lafey oo gebi ahaanba diidan inuu ka tago Jubbaland.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in saraakiisha Dowladda Federaalka toddobaadyadii la soo dhaafay dhaqaale badan u adeegsanayeen sidii ay u kala furfuri lahaayeen guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo ee taabacsan Jubbaland.

Saraakiishu waxay qorshahaan garab uga helayeen isku dayo siyaasadeed oo lagu doonayo in dhanka dowladda loo soo jiido siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka reer Gedo ee xiriirka dhow la leh Madaxtooyada Jubbaland, si loo wiiqo taageerada shacabka gobolka ee Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan.

Villa Somalia ayaa ku rajo weyn in maamulka gobolka oo dhan si dhakhso ah loogu hoos keeno Dowladda Federaalka, iyadoo la ogyahay muhiimadda gobolkaasi u leeyahay doorashada madaxtinimada dalka ee sanadka soo socda, haddii lagu heshiiyo in dalka doorasho laga qabto.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July 2023 maamulka gobolka Gedo dib ugu hoos geysay Jubbaland, ka dib dhowr sano oo uu gobolkaasi ka goโ€™ay maamulka Jubbaland.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii 2020 gobolkaasi ka goysay Jubbaland, kadib markii ay ka hortimid doorashadii 22-kii August 2019 ka dhacday Kismaayo, taas oo mar kale xilka dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Hadda, Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar labaad gobolka ka goysay Jubbaland, kadib markii ay diidday doorashadii 25-kii November 2024 ka dhacday Kismaayo, taas oo markii saddexaad xilka madaxtinimada Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa doorashadaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxayna Axmed Madoobe ugu yeereen hoggaamiye hore.

- Advertisement -

Read more

Local News