Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa la soo warinayaa inuu magacaabay Golaha Xukuumada cusub ee Dowladiisa Jabuuti.
Magacaabida Golaha wasiirada Xukuumada Jabuuti, ayaa waxaa baahiyay Telefishinka dalkaasi.
Xukuumada Cusub ayaa waxaa la sheegayaa inuu hogaaminaayo Ra’isul wasaarihii hore ee dalkaasi Cabdulkhadir Kaamil Maxamed.
Xukuumadan cusub ayaa ka kooban 23 wasiir oo 12 ka mid ah ay yihiin kuwo cusub, waxa uuna Madaxweynaha xilalka u kala wareejiyay intabadan Wasiiradii hore.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa inbadan ka taxadiray in xilalka Xukuumada uu kusoo daro kuwa sida ba’an u dhaliila Siyaasadiisa, waxa ayna kuwa cusub u badan yihiin kuwo Geele ku wehlin jiray Siyaasada.
Lama oga Siyaasada gaarka uu Ismaaciil Cumar Geele ka leeyahay Wasiirada uu soo celshay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]