24 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Geelle: Waxaan kulligeenna daba soconeynaa…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta ka qayb-galay xarrig jarka xarumaha Dalxiiska ee laga hirgeliyay deegaanka Shabeelow ee dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa jeediyay khubad xasaasi ah oo ku amaanay Abiy iyo xukuumaddiisa.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marka hore qiray in gobolka uu ku tallaabsanayo horumar, isaga oo xusay saddexda dalalka dariska yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay inay isaga hoggaamiyeyaasha kale ay ku daba faylaan Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sida uu hadaka u dhigay.

“Soomaaliya hanoolaato, Kenya hanoolaato, Itoobiya hanoolaato, kulligeenna odaygaan Abiy Axmed baan daba soconeynaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, si looga faa’iideystay fursaha jira ee gudaha iyo gobolka.

“Anigu waxaan ku talinayaa la midoobo horay loo socdo, qofna lagu reebin cidlada” ayuu mar kale yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhankiisa, madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalka qaatay ayaa si gaar ah u bogaadiyay Soomaalida, wuxuuna ku adkeeyay midnimadooda, si u sameeyaan horumar intaasi ka ballaaran.

“Soomaalidu waa dad walaalo ah waxaa laga shaqeynaa sidii loo mideyn lahaa oo ay u wadajiri lahaayeen” ayuu isna yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Read more

Local News