Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle ayaa sheegaya in maanta halkaasi gaareen wafdi ka tagay magaalada Muqdisho.
Wafdiga waxaa kamid ah taliyaha ciidamada NISA, taliyaha ciidamada booliska iyo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban ee dalka.
Ujeedada wafdigan ayaa ah sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan magaalada Jowhar, kadib israsaaseyntii ka dhacday holka shirarka ee magaalada Jowhar.
Saraakiisha ciidamada NISA iyo booliska ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyay masuuliyiin kale oo magaalada ku sugan. waxaana socdo kulamo kala duwan oo arimahaasi lagu dhameynnayo.