Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo uu ku sheegay digniin adag oo ka dhan ah dadka ku hawlan isticmaalka ama xiran calaamadaha, darajooyinka, iyo agabka kale ee gaarka u ah ciidamada.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo lagu qabto isagoo si sharci-darro ah u adeegsanaya dareeska, astaamaha ama darajooyinka Ciidanka Xoogga Dalka laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan xeerarka ciidamada iyo sharciga dalka.
Taliska ayaa si gaar ah uga digay in cid aan ciidanka ka tirsanayn ay isticmaasho: 1- Dareeska Ciidanka XDS, 2- Darajooyinka iyo calaamadaha Ciidanka XDS, iyo 3- Astaamaha kale ee gaarka u ah ciidamada qaranka
Sidoo kale, digniin ayaa loo jeediyay ganacsatada iyo milkiilayaasha garaashyada, iyadoo lagu amray inaysan:
- Midabeyn karin ama beddeli karin gaadiidka ciidamada,
- Dayactir u samayn karin ama cillad bixin karin gaadiidka CXDS,
- Iibin karin qalab ama adeegyo la xiriira gaadiidka ciidamada.
Taliska Xoogga Dalka ayaa ku celiyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarradan, isagoo bulshada iyo ganacsatada ugu baaqay inay ka fogaadaan iibinta, isticmaalka ama farsamaynta agabka ciidamada oo aan fasax rasmi ah lagu haysan.
Digniintan ayaa u muuqata mid ku socota siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho, maadaama ciidamo badan oo ka tirsan Xoogga Dalka ay hadda ilaaliyaan siyaasiyiin mucaarad oo ku beel ah. Sidoo kale, waxaa jira ciidamo kale oo aan ka tirsaneyn Xoogga, balse adeegsada dharka iyo gaadiidka u eg kuwa CXDS.
Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, digniintan cusub ayaa ah fariin toos ah ama dadban oo u socota kooxahaas, waxaana suuragal ah in ay hordhac u tahay tallaabo lagu samayn doono hub ka dhigis ama yareynta ciidamada ilaalinaya siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jimcihii 3-dii October si adag uga horyimid in siyaasiyiinta mucaaradka ay hub qaataan, isaga oo sheegay in dowladdiisu marnaba aysan aqbalayn in hub culus lagu dhex qaato caasimadda, oo hore looga dhaqan-geliyay xeerka xakameynta hubka.
Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in isagoo Madaxweynaha dalka ah uusan qaadan gaari uu ku xiran yahay qori dhashiike ah, sidaas darteedna ay tahay in si buuxda loogu hoggaansamo xeerka xakameynta hubka.
“Aniga oo Madaxweynaha dalka ah, ma qaato gaari uu ku xidhan yahay qori dhashiike ah. Cid kalena laga aqbali maayo inay Muqdisho ku dhex waddo baabuur ay qoryo saaran yihiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu dhawaan magaalada Muqdisho ka dhacay qalalaase amni, kaddib markii iska horimaad u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo la socday siyaasiyiin mucaarad ah uu ka dhacay saldhigga Warta Nabadda.
Dowladda ayaa markaas mucaaradka ku eedeysay inay weerar ku qaadeen saldhig ciidan, halka ay sheegtay in siyaasiyiintu ay jabiyeen xeerka xakameynta hubka.
War-saxaafadeedka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq ku saabsan in la dhowro sumcadda iyo astaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lana ixtiraamo shuruucda iyo nidaamka lagu kala xadeynayo awoodaha rayidka iyo kuwa ciidan.

