24 C
Mogadishu
Thursday, September 4, 2025

Go’aan cusub oo maanta ka soo baxay xiisadda suuqa Xamar Jadiid ee Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed (Muungaab) ayaa go’aan cusub kasoo saaray xiisadda maalmihii dambe ka taagneyd suuqa Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda.

Muungaab oo maanta kormeer ku tagay suuqaasi, ayaa ku dhawaaqay in aysan jirin cid gaar ah oo cabbir ku sameyn karta dhulka suuqaasi ama suuqyada kale ee magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin ganacsatada suuqaasi ay muddooyinkii la soo dhaafay soo gudbinayeen.

Guddoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa suuqa, wuxuu kulan la yeeshay guddi ka socday ganacsatada, isaga oo ku wargeliyay in maamulka gobolka Banaadir uusan marnaba aqbali doonin isku day kasta oo dhul-boob ah.

Maamulka gobolka ayuu sheegay inay ka go’an tahay difaaca suuqyada iyo hantida guud ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ganacsatada suuqa Xamar Jadiid ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu ku dhawaaqay Duqa Muqdisho, iyagoo uga mahad-celiyay sida uu uga jawaabay cabashadooda iyo garab istaagga uu u muujiyay.

Sidoo kale waxay xuseen in suuqaasi uu muhiim u yahay nolosha ganacsi iyo dhaqaale ee degmada Warta Nabadda iyo nawaaxigeeda.

Go’aankan cusub ee uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayey ganacsatada suuqaasi sheegeen inuu u yahay badbaado, si looga hortago isku dayo ay samaynayeen shakhsiyaad doonayay in ay si sharci-darro ah dhulka suuqa u hantaan.

Maamulka gobolka ayaa sidan oo kale hore u fashiliyey isku day kan la mid ah oo kooxo abaabulan ku doonayeen in ay dhul ku boobaan qaybo ka mid ah suuqa Bakaaraha.

Tallaabada maanta ayaa noqonaysaa middii labaad oo uu Guddoomiye Muungaab mawqif cad ka istaago isku dayo dhul-boob oo lala damacsanaa suuqyada magaalada Muqdisho.









- Advertisement -

Read more

Local News