Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sanadkan si weyn Soomaaliya uga kordhay xaaladaha iyo dhimashada uu sababo cudurka gowracatada, iyadoo wax ka qabashada cudurka ay caqabad ku noqdeen gabaabsiga tallaalka iyo dhimista kaalmada Mareykanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaaliya.
Waxaa la diiwaan geliyay in ka badan 1,600 oo xaaladood, oo ay ku jirto 87 dhimasho ah, taasoo ka badan tiradii guud ee sanadkii 2024 oo ahayd 838 xaaladood iyo 56 dhimasho, sida uu sheegay Xuseen Abukar Muxiyaddiin, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya.
Cudurka gowracatada, oo ka dhasha bakteeriyo, wuxuu keenaa barar ku yimaada qanjirada, dhibaatooyin dhinaca neefsashada ah iyo qandho. Cudurkan oo inta badan ku dhaca carruurta, ayaa ah mid looga hortegi karo tallaal si ballaaran loo heli jiray tan iyo bartamihii qarnigii 20-aad.
In kasta oo heerarka tallaalka carruurta ee Soomaaliya ay soo hagaagayeen tobankii sano ee la soo dhaafay, haddana boqollaal kun oo carruur ah ayaan weli helin tallaalkii oo dhammaystiran.
Deeqa Maxamed Cali, oo saddex bilood ka hor ka soo qaxday dagaallo u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo xoogagga Islaamiyiinta oo ka dhacay magaalada Ceeldheere ee bartamaha Soomaaliya, ayaa afarteeda carruur ah, oo aan midna la tallaalin, waxaa haleelay cudurka gowracatada. Gabadheeda oo 9 jir ah ayaa ka caafimaadday, balse wiilkeeda 8 jirka ahaa ayaa u geeriyooday cudurka, halka labo kale oo yar yar hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaalla caasimadda Muqdisho.
“Carruurtaydu way xanuunsadeen, guriga ayaan iska joogay maadaama aanan aqoon u lahayn cudurka gowracatada,” ayay u sheegtay Reuters, iyadoo ku sugan sariirta agteeda oo uu jiifo wiilkeeda 3-jirka ah, Muuse Cabdullaahi, kaasoo cudurku cunaha uga barariyay inta ay le’egtahay liin dhanaanta.
Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in dowladda ay la kulantay caqabado ku aaddan helitaanka tallaal ku filan oo ka dhashay gabaabsi caalami ah, isla markaana ay dhimista deeqaha Mareykanku adkeysay qaybinta tallaalkii ay hayeen.
Kahor inta uusan Madaxweyne Donald Trump horraantii sanadkan jarin inta badan kaalmada dibadda, Mareykanku wuxuu ahaa dalka hoggaaminayay deeq-bixiyeyaasha gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya, oo miisaaniyaddeeda caafimaadku ay ku dhowaad gebi ahaanba ku tiirsan tahay deeqaha caalamiga ah.
“Dhimista kaalmada Mareykanka waxay saameyn ba’an ku yeelatay dhaqaalihii caafimaadka ee uu siin jiray Soomaaliya. Xarumo badan oo caafimaad ayaa albaabada loo laabay. Kooxihii tallaalka ee guurguura, ee tallaalka gaarsiin jiray deegaannada fogfog, ayaa waayay dhaqaalihii ay ku hawlgeli jireen, haddana ma shaqeeyaan,” ayuu yiri Cali Xaaji Aadan.
Muxidiin ayaa isaguna dhankiisa meel fagaare ah ka sheegay hadalkaas wasiirka ee la xiriira xarumaha xirmay.
Guud ahaan, ballanqaadyada kaalmada dibadda ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya ayaa hadda maraya $149 milyan sanad-maaliyadeedkan ku eg 30-ka Sebteembar, marka la barbardhigo $765 milyan oo ay ahayd sanad-maaliyadeedkii ka horreeyay, sida ay muujinayaan tirakoobyada dowladda Mareykanka.
“Mareykanku wuxuu sii wadaa inuu Soomaaliya siiyo kaalmo dibadeed oo naf-badbaadin ah,” sidaa waxaa yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, mar wax laga weydiiyay saameynta ay dhimista kaalmadoodu ku yeelatay dalka.
“Mareykanku waa quranka ugu deeqsisan adduunka, waxaanan ku boorrinaynaa dalalka kale inay si laxaad leh u kordhiyaan dadaalladooda dhinaca gargaarka.”
Hay’adda gargaarka ee Save the Children ayaa bishii hore shaacisay in xiritaanka boqollaal xarumo caafimaad ah oo Soomaaliya ku yaalla sanadkan, taasoo ka dhalatay kaalmooyinkii dibadda ee la jaray, ay sababtay in laba jibaar ay kordheen tirada isku-geynta xaaladaha cudurrada sida gowracatada, jadeecada, xiiq-dheerta, daacuunka iyo cudurrada daran ee neef-mareenka, tan iyo bartamihii Abriil.
Marka laga yimaado Mareykanka, dalalka Britain, France, Germany iyo deeq-bixiyeyaal kale oo waaweyn oo reer Galbeed ah ayaa sidoo kale dhimaya miisaaniyaddooda kaalmada.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa dhaleecayn kala kulantay dhakhaatiirta iyo u dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha, kuwaasoo ku eedeeyay maalgelinta yar ee ay siiso waaxda caafimaadka. Sanadkii 2024, waxay caafimaadka u qoondaysay 4.8% miisaaniyadeeda, taasoo ka hoosaysa 8.5% oo ay ahayd sanadkii ka horreeyay, sida ay warisay hay’adda Amnesty International.
Wasaaradda Caafimaadku kama aysan jawaabin su’aal laga weydiiyay dhaleeceyntaas. Waxay sheegtay inay qorshaynayso inay daah-furto olole tallaal, laakiin ma aysan faahfaahin xilliga uu qabsoomayo.