Go’aano culus oo lagu soo rogay shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay awaamiir culus oo ku socota shirkadaha isgaadhsiinta ee ka shaqeeya deegaanada ay maamusho.

Wareegto kasoo baxday Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa waxa gebi ahaanba lagu joojiyey in shirkada Isgaadhsiinta ay ogolaansho la’aan qofka ugu diraan farriimo xambaarsan xayeysiin/ogeysiis.

Shirkada Isgaadhsiinta ayaa keliya loo ogolaaday inay macaamiishooda “si doorasho la’aan ah” ku gaarsiin karaan adeegyada ay iyagu bixinayaan.

“In fariimaha isgaadhsiineed ee xambaarsan xayaysiisyada/ogaysiisyada ay shirkadaha Isgaadhsiintu u qabanayaan cid kale (Third Party advertisement) ay ku gaadhi karaan macmiilka ogolaansho laga helay macmiilka (opt-in feature),” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland.

Sidoo kale go’aanadan cusub ayaa waxaa qeyb ka ah in Shirkadaha Isgaadhsiinta ay sameeyan nidaam kala dooransiinaya macmiilka in uu ogolaado ama diido in xayeysiimaha iyo ogeysiisyada ka baxsan adeegyada shirkada ay u diri karto shirkada isgaadhsiinta.

Shirkada baalmarta go’aamadan cusub ee lagu xadidayo fariimaha qasabka ah ee inta badan loo diro macaamiisha ay shirkadu khidmada uga kireysay Simcard-ka ayaa waxay ku muteysan doonta ganaax culus.

Go’aamadan ayaa si rasmi ah u dhaqan-geli doona billowga sanadka cusub, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay dad badan cabasho ka gudbiyeen fariimaha tirada badan ee uga imanaya shirkadaha isgaadhsiinta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii