Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha amaanka QM ayaa go’aamiyay in muddo hal sanno ah lagu kordhiyo Cunaqabateynta Hubka ee saaran Somalia.
Go’aankaani lagu kordhiyay Cunaqabateynta ayaa hirgalay kadib markii Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ay u codeeyey inay Cunaqabatayntaasi muddo hal sanno lagu kordhiyo.
Golaha ayaa go’aamiyay in Cunaqabateyntaasi ay socon doonta tan iyo bisha November 15-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Qaraarka tirsigiisu yahay 2317 ee sannadkan 2016-ka, ayaa waxaa aqbalay 10-ka xubnood ee ka tirsan Golaha Ammaanka QM.
Codbixinta ayaa la sheegay inay ka maqnaayen Dowladaha Masar, Angola, Shiinaha, Russia iyo Venezuela oo gabi haan kawada tirsan Golaha Ammaanka ee QM.
Sidoo kale, Goluhu waxa uu dib u daraaseeyay waxa ka hirgalay xayiraadii saarneyd dhoofinta Dhuxush, waxa ayna kulankooda baaq ugu direen Talisyada ciidamada AMISOM oo ay fareen inaan la baalmarin qaraarka lagu hakiyay dhoofinta dhuxusha.
Goluhu waxa uu sidoo kale, Talisyada AMISOM faray in howlaha la xiriira xanibaada dhoofinta dhuxusha lagala shaqeeyo Dowlada Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddo kordhin loo sameeyay Kooxda Kormeerka QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea, waxayna Hawsha Kooxdaasi ku ekaan doontaa bisha December 15-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

