Golaha Ammaanka ee QM oo go’aan ka gaaray codsigii Soomaaliya ee…

New York (Caasimada Online) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar cusub oo taabanaya dhoofinta dhuxusha, oo ay hore Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabatayno kala duwan.

Qaraarkan cusub ayaa lagu sheegay “in iyada oo la ogsoon yahay in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda caalamka in haddana golaha ammaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan.”

Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay taageereen in dowladda Soomaaliya ay qaado tallaabo ay si dhamaystiran meesha uga saaraysa dhuxusha kaydsan, iyada oo la raacayo codsiga ay dowladda Soomaaliya u gudbisay golaha, bishii August 14-keedii.

Go’aanka Golaha Ammaanka ee QM ayaa imanaya xilli gudaha Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxul badan, taasi oo loo arkay inay qayb ka tahay dhibaatooyinka bani-aadannimo ee ka jira Soomaaliya, ayna badalkeedana dad badan ka sameynayaan dhaqaale aad u badan dhoofinteeda.

Dhoofinta dhuxusha ayaa sidoo kale la sheega inay tahay il-dhaqaale oo muhiim u ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo bartimihii sanadkaan uu Mareykanka cuna-qabateyn kusoo rogay shaqsiyaad kooxda uga shaqeeya arrintaasi.

Sidoo kale waxaa kal hore kiisas la xiriira ka ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha uu xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaran u gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo markaas uu dalbaday in lasoo xiro shaqsiyaad ku lug leh arrintaasi.

Si kastaba, Dhoofinta dhuxusha ee gudaha Soomaaliya ayaa ah fal dambiyeed lagu ciqaabi karo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo qodobada 51,56, 57 ee xeerka ilaalinta deegaanka iyo duur joogta Soomaaliyeed, ayada oo ay sidaas tahayna waa mid weli laga sameeyo dhaqaale badan.