New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka shiray xaaladda ammaan ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan culus ka gaaray howlgalka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM.
Golaha ayaa isku raacay in muddo sanad ah loo kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), lana gaarsiiyo ilaa 31-ka December 2026.
Codeyn ka dhacday xarunta golaha ayaa waqtiga loogu cusbooneysiiyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo jeediyay in la taageero howlgalka oo hadda wajahaya duruufo dhinaca dhaqaalaha ah si loo xaqiijiyo ujeedka ciidankan loo keenay Soomaaliya oo ah adkaynta amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Dhinaca kale, waxaa tallaabadan si deg-deg ah usoo dhaweeyay howlgalka Midowga Afrika, isaga oo codsaday in taageero dhaqaale lala garab istaago.
“AUSSOM waxay soo dhawaynaysaa go’aanka loo dhan yahay ee Golaha Ammaanka ee QM uu ku cusboonaysiiyay waajibaadka Hawlgalka tan iyo 31 Disembar 2026. Go’aankan ayaa mar kale xaqiijinaya sida beesha caalamka ay uga tahay Nabadda, Xasilloonida iyo Amniga Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AUSSOM.
Sidoo kale, wuxuu howlgalka intaas ku daray inay ka go’an tahay inuu sii wado dadaalladiisa, isla markaana uu gudan doono waajibaadkiisa ku aadan xasilinta Soomaaliya, si looga ciribtiro kooxaha argagixisada ee halista ku ah gobolka.
“AUSSOM waxaa ka go’an inay si buuxdo u hirgeliso waajibaadkan cusub oo dan u ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Go’aankan dib loogu cusbooniyay waqtiga howlgalka Midowga ayaa kusoo aadaya, xilli muddooyinkii u dambeeyay uu ururka la daala dhacayay culaysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka AMISOM loona beddelay AUSSOM. Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

