27.2 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Golaha Ammaanka QM oo diidmo xooggan ka muujiyey aqoonsiga Israel ee Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii dhageystay diidmo xooggan oo ballaaran, kaddib markii Israel ku dhawaaqday inay si rasmi ah ugu aqoonsatay Somaliland inay tahay “dawladd madax-bannaan oo qaran,” tallaabo ay Soomaaliya ku tilmaantay weerar ka dhan ah midnimadeeda iyo tusaale khatar ah.

Kalfadhigan degdegga ah, oo la isugu yeeray codsi ka yimid Soomaaliya, ayaa muujiyay taageero ballaaran oo loo hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Israa’iil ay ku noqotay go’doon difaaca go’aankeeda.

Halka Israa’iil ay ku dooday in tallaabadani tahay “qirashada xaqiiqo taariikhi ah,” quwadaha waaweyn iyo ururrada gobolka ayaa ka digay in xuduudaha Afrika oo si hal dhinac ah loo beddelo ay hurinayso kala-qaybsanaan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cismaan, ayaa Golaha u sheegay in “aysan jirin awood shisheeye oo xaq u leh inay beddesho xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.”

Isagoo ku hadlayay magaca Algeria, Guyana, iyo Sierra Leone, Danjire Abuukar wuxuu ugu baaqay xubnaha Golaha inay tallaabada Israa’iil u arkaan mid “waxba kama jiraan ah” (null and void) marka la eego Cahdiga QM iyo sharciga caalamiga ah.

Wuxuu ka digay in falkan gardarrada ah loola jeedo in lagu dhiirrigeliyo kala-burburinta Soomaaliya, uuna ka hor imaanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Wakiilka Israel ayaa jawaab ahaan sheegay in go’aanku yahay mid sharci ah oo ku dhisan mabda’, isagoo ku dooday inuu ka tarjumayo “xaqiiqo soo jirtay muddo dheer,” halkii uu ka ahaan lahaa go’aan siyaasadeed oo cusub.

Wakiilka ayaa soo hadal-qaaday madax-bannaanidii koobnayd ee Somaliland ee 1960-kii iyo xasuuqii loo geystay beesha Isaaq dhammaadkii 1980-yadii, isagoo xusay in aqoonsigu xambaarsan yahay cudur-daar taariikhi ah iyo mid akhlaaqi ah.

“Aqoonsiga Israel ee Somaliland ma aha mid kicin ah, mana aha wax cusub,” ayuu ku adkeystay wakiilku. “Waa aqoonsi sharci ah oo mabda’ leh, kana waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Inkastoo ay xiriir dhow la leeyihiin Israa’iil, xulafada waaweyn ee Reer Galbeedka ayaa diiday inay raacaan dhabahaas, iyagoo dib u xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska, iyadoo u maraysa Danjire James Kariuki, ayaa sheegtay in London “aysan aqoonsanayn madax-bannaanida Somaliland,” iyadoo ku nuuxnuuxsatay in xalku ku jiro wadahadal dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa.

Danjiraha ayaa ka digay in khilaafyada gudaha ay fursad siin karaan Al-Shabaab. 

Maraykanku wuxuu qaatay hadal taxaddar leh. Ku-xigeenka wakiilka Maraykanka, Tammy Bruce, ayaa Golaha u sheegtay inaanay jirin “wax ku dhawaaqis ah” oo ku saabsan aqoonsi Maraykan ah, isla markaana “aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda Maraykanka.”

Si kastaba, Washington waxay horey ugu cel-celisay in ay ixtiraameyso midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay.

Cambaaraynta ugu culus waxay ka timid dalalka Afrika iyo Carabta. Goobjoogaha Midowga Afrika ayaa ka digay in wiiqidda madax-bannaanida Soomaaliya ay “kasoo horjeeddo mabaadi’da ugu weyn ee Midowga Afrika” ee dhowrista xuduudaha.

Wakiilka Jaamacadda Carabta ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaamay “mid taxadar la’aan ah,” isagoo sheegay inay gogol-xaar u tahay “joogitaan sharci-darro ah,” barakicinta Falastiiniyiinta, iyo in dekedaha waqooyiga Soomaaliya loo adeegsado saldhigyo ciidan.

Jabuuti iyo Turkiga ayaa iyaguna ka digay in tallaabadani ay sii kicinayso xaaladda Geeska Afrika. 

- Advertisement -

Read more

Local News