Aqoonyahannada Reer Aw Xasan oo digniin kasoo saaray doorashada kursiga HOP86

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen uga digay farogelin iyo xadgudub ay sheegeen in madaxda sare ee dalka ay ku hayaan doorashada kursiga xildhibaan ee beeshan ee HOP86.

Kursigan ayaa ah midkii uu ku guuleystay taliyihii hore ee Nabad-sugidda Fahad Yaasiin balse ay diideen guddiga doorashada, haddana la qorsheeyey in dib loo doorto dhowaan.

Si kastaba, Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan ayaa shaaca ka qaaday in madaxda sare ee dalka iyo wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo beesha kasoo jeeda ay doonayaan in kursiga loo xiro shaqsiyaad gaar ah. 

Hoos ka aqriso qoraalka golaha. 

Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan waxay aad uga xun yihiin in xafiisyada ugu sarreeya dalka ay faragelin toos ah ku hayaan xal u helista arrimaha ku gadaaman Kursiga ay beeshu leedahay ee tirsigiisu yahay 86.  

Waxaa noo muuqata in hannaanka haatan la doonayo waxyaabihii ka dhashay doorashadii kursigan in lagu xalliyo inay tahay mid aan caddaalad ku dhisnayn, iyada oo la doonayo in awood qeybsiga reerka lagu xadgudbo, loona xiro Musharax ay wadato kooxda haatan haysa talada dalka.  

Waxaan ka digeynaa tallaabada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Waxbarashada Federaalka ay ku doonayaan inay ku afduubaan rabitaanka jifooyinka iska leh kursigan, waxaana cod dheer ugu sheegeynaa in odayaasha dhaqanka ee beesha kursigan iska leh ay u madax bannaan yihiin hannaanka xulista ergada iyo in ay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.  

Waxaan caddeynaynaa in kursigan oo kamid ahaa kuraasta fara ku tiriska ah ee sida hufan loogu tartamay loo dhigtay isbaaro siyaasadeed, sidaas darteedna aan la aqbali karin in mar kale lagu xadgudbo xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee saami qeybsi ahaan uu ka dhaxeeyo kursigan. 

Waxaan ku wargalinaynaa qeybaha kala duwan dhaqanka beesha iyo daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka inay si dhaw isha ugu hayaan habdhaqanka ugubka ah ee ay ku kacayaan masuuliyiintii dalka ugu sarreysa kuwaasoo doonaya inay wareegto ku magacaabayaan musharax iyaga xulafo la ah. 

Waxaa jira hanjabaado toos ah oo loo diray odayaasha dhaqanka beesha iyo aqoonyahanno kala duwan oo arrimaha kursigan ku diidan qaabka uu doonaayo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wixii dhibaato ah oo soo gaarana isagaa masuuliyadda qaadaya.