26.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Golaha Mustaqbalka oo 5 qodobo oo xasaasi ah ka soo saaray shir ay yeesheen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland, iyo xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta ayaa maanta bayaan culus kasoo saaray shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Bayaanka oo dhowr qodob ka kooban ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka 2026.

Ugu horreyn Golaha ayaa iclaamiyay shirweyne wadatashi ah oo ay sheegeen inay ku qaban doonaan gudaha dalka, kaas oo looga hadli doono mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, Golaha ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay inuu si cad uga soo horjeedo in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo digniin culus kasoo saaray.

Waxaa kale oo ay diideen wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka, natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Golaha ayaa farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu Dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay adkeeyaan midnimada iyo wadajirkooda, una diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka Dalka oo ay ugu horreyso sidii ay Dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha Federaalka Soomaaliya” ayaa lasii raaciyaym

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso iyada oo weli is mariwaa uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan in la aado qof iyo cod, si ay shacabka usoo doortaan hoggaankooda.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran

WAR-SAXAAFADEED

Maanta oo taariikhdu tahay 12-ka November 2025, waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ku soo xirmay shir muddo saddex maalmood ah uga socday Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Dowladda Jubbaland iyo Dowladda Puntland. Shirka ayaa daba socday shirar ay isla Magaalada Nairobi ku yeesheen 5 – 8 November 2025 Guddi farsamo oo Goluhu u xilsaaray dejinta siyaasadda iyo qorshaha Golaha Mustaqbalka iyo qaban-qaabada shirweynaha Golaha.

Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo siyaasadda ee la xiriira diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka ah ee 2026. Guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka ayaa intii shirku socday waxay warbixin horudhac ah ka bixiyeen dhammeystirka shaqooyinkii loo xilsaaray iyo diyaar garowga shirweynaha Golaha Mustaqbalka.

Shirka waxaa ka soo baxay:

  1. Iyada oo laga duulayo xaaladda cakiran ee amni, hubanti la’aanta siyaasadeed iyo dhaawaca gaaray midnimada iyo wadaajirka Dalka, Goluhu wuxuu go’aamiyey qabsoomidda shirweynaha Golaha Mustaqbalka oo ka dhacaya gudaha Dalka Soomaaliya si waafaqsan jadwalka Guddiga farsamada
  2. Si loo illaaliyo dhaqankii wanaagsanaa ee dimuqraadiga ahaa ee afartii sannaba mar doorashooyinka hay’adaha federaalka ay ku dhacaan, Goluhu wuxuu go’aansaday in shirweynuhu noqdo mid Ummadda Soomaaliyeed u horseeda mustaqbal wanaagsan iyo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda waqtigeeda
  3. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka duulaya Dastuurka KMG ah ee Dalka (2012), tixraacayana heshiisyada saldhigga u ah dowladnimada Soomaaliyeed, wuxuu ka digayaa tallaabooyinka aan sharciga waafaqsanayn ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku hoggaanka u yahay, kuwaas oo haddii aan la joojin carqaladeyn doona dowladnimada iyo hannaanka federaalka ah.

Tillaabooyinkaas oo ay ka mid yihiin ku takri-falka awoodda dowladnimo, wax ka beddelka sharci darrada ah ee Dastuurka KMG ah, baabi’inta hay’adaha dastuuriga ah, xarigga sharci darrada ah ee muwaadiniinta, musuqa iyo boobka hantida qaranka, barakicinta muwaadiniinta danyarta ah, xannibaadaha iyo carqaladeynta socdaalka dalka, xaaladaha duulimaadyada rayidka iyo adeegsiga sharci darrada ah ee hay’adaha amniga

  1. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu sidoo kale u caddeynayaa Madaxda Dowladda Federaalka ah, Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka ee aan Golaha ku jirin iyo Dadka Soomaaliyeedba in uu si cad uga soo horjeedo: a) Wax ka beddel kasta oo lagu sameeyey ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012-kii si aan waafaqsanayn hannaanka wax ka beddelka ee Dastuurku dhigayo b) Tallaabo kasta oo horseedaysa muddo kororsi ay samaystaan hay’adaha federaalka ah ee muddo xileedkoodu dhammaadka yahay c) Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ay DFS ka qabato Dalka, heer kasta oo ay ahaataba d) Siyaasadeynta iyo carqaladeynta socdaalka Dalka iyada oo Madaxda DFS ka leedahay dano dhaqaale oo gaar ah, taas oo khatar gelinaysa midnimada iyo wadaajirka Dalka.
  2. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu mar kale ugu baaqayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah in uu ku soo noqdo u hoggaansanaanta Dastuurka Dalka ee heshiiska lagu yahay, uuna qayb ka qaato sidii Dalka looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri iyo mid hoggaan dowladeed, taas oo ay saldhig u tahay qabsoomidda doorasho daah furan, heshiis lagu yahay, waqtigeedana ku dhacda

Ugu dambeyntii, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu Dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay adkeeyaan midnimada iyo wadaajirkooda, una diyaar garoobaan ka qayb galka badbaadinta mustaqbalka Dalka oo ay ugu horreyso sidii ay Dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha Federaalka Soomaaliya.

==Dhammaad=

- Advertisement -

Read more

Local News