Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadhigii Xildhibaanada golaha shacabka ee maanta ayaa waxaa hareeyay buuq ka dhashay Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo cudur daar u soo gudbiyay Guddoonka, kaasoo uu ku dalbanayo in mudada uu ku hor imaanayo Golaha looga dhigo 11 Agosto,iyadoo Xildhibaanada ay maanta ka sugayaan inuu hor yimaado, kaddib markii todobaadkii hore loo yeeray.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka hor yimid warqada codsiga ee ka timid Wasiir Xoosh, iyagoo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu ka dhega adeegay u yeeristii Xildhibaanada,
Kulanka oo ay hareeyeen doodo iyo Buuq ka dhashay qaabka wasiirka loola dhaqmayo kadib markii uu maanta imaan waayay Baarlamaanka hortiisa, isagoo dalbaday fasax saddex toddobaada ah ayaa tiro badan u codyeysay in dib u eegisl agu sameeyo xilka wasiir Xoosh.
Cod qarsoodi ah oo loo qaaday dib u eegista lagu sameynayo fasaxa Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh ayaa waxaa ogolaaday 85 Xildhibaan, halka ay dideen 77 xildhibaan, waxaana kadib la geli doonaa in codka kalsoonida loo qaado wasiirka haddii ay ku taliyaan Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo loo xilsaaray arrintiisa.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa arrinta Wasiirka dastuurka u xil saaray Guddiga joogtada Baarlamaanka si ay dib oo dib u eegis ugu sameeyaan xilka Wasiirka Dastuurka, iyadoo kadibna loo gudbin doono qaraarka baarlamaanka Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Intii lagu dhawaaqayay natiijada codka ayaa waxaa ka dhashay kulanka buuq iyo Xildhibaano dhex martay inay is tuuraan, kaddib markii Guddoomiye Jawaari uu mid ka mid ah Xildhibaanada ka dafay warqadii ay ku qorneyd natiijada, taasoo keentay in Xildhibaano kale ay kala tuuraan.
Guddiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa markii dambe loo xil saaray inay go’aan ka soo gaaraan in dib u eegis lagu sameyn doono xilka Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo in loo ogolaado mudada uu dalbaday ee 11 -ka Agosto ah, hadii Guddiga isku raacaan in Wasiirka xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo, waxaa loo qaadi doonaa codka kalsoonida
Qodobka 69aad ee Dastuurka ayaa awood u siinaya Golaha shacabka in codka kalsoonida kala noqdaan Xubin Wasiir ah oo ka tirsan Xukuumadda.
Golaha shacabka ayan awood u lahayn inay xil ka qaadis ku sameeyaan wasiir ka tirsan xukuumada, balse waxay ka gudbin karaan qaraar sida hore ugu dhacday wasiirkii Amniga dowladii hore, taasoo Ra’iisal wasaaraha uu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabadii ay la noqoto.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

