Golaha shacabka oo maanta ansixiyay sharci muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka Socdaalka, kaasi oo maalmihii dambe ay doodiisu ka socotay golaha.

Sharicgan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 145 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, Lix Xildhibaan waa ka aamustay, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa marsiinta akhrinta saddexaad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka Socdaalka, dhameystirka dooda warbixinta akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka la-dagaalanka argagixisada, ka doodista warbixinta akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka dhowrista xogta.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale kulankii maanta kaga dooday warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka maareynta deegaanka, kaasi oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood.

Bishii hore ayay aheyd markii guddoonka Golaha Shacabka la sheegay in uu si sharci darro ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka golaha uu xilligaas sheegay in uu ansax-yahay.