Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Ugu horreyn, Xildhihaan Cali Xaaji Daahir oo ah Guddoomiyaha Guddiyada Garsoorka Caddaaladda Awqaafta iyo Arimaha Diiinta ee Golaha Shacabka ayaa kulanka guddiga joogtada ku dhaariyey wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Maryan Cali Abuukar oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.
Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ayaa ka dooday Ajendayaasha kulamada guud ee golaha shacabka todobaadka soo socda iyo guud ahaan shuruucda golaha horutebinta u leh kalfadhiga todobaad.
Xubnaha guddiga ayaa hab gacantaag ah ku ansixiyeen Ajendayaasha gole weynaha looga doodi doono todobaadka soo socda.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay dardar-gelinta howlaha horyaala golaha kalfadhiga todobaad.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Isniintii Marwo Maryan Cali Abuukar u magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maryan xilkan u magacaabay kadib markii uu arkay khibradda, waayo-aragnimada iyo howsha baaxadda leh ee hortaalla Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

