Golaha wakiilada Somaliland oo ansixiyay xubno gudi oo uu ka maqan yahay Waddani

Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay 6 xubnood oo kamid ah todobada xubnood ee Guddida komishanka Somaliland.

Golaha ayaa xubnahaasi ku ansixiyey fadhi ay maanta yeeshan, oo ay soo xaadireen 65-xildhibaan, kaasi oo uu shir gudoominayeyna Guddoomiyaha golaha wakiilada, Baashe Maxamed Faarax.

Lixdan xubnood ee goluhu ansixiyey ayaa waxaa ka maqnaa xubintii uu Komishanka kulahaa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo aan soo xaadirin, kaasi oo xisbigu hakin ku sameeyay kadib markii uu ka biyo diiday xubno uu soo magacaabay Madaxweyne Biixi.

Cabdirashiid Riyo-raac iyo Marwo Kaltuun oo iyadu hore uga ka tirsaneyd guddida komishanka, isla markaana uu madaxweynuhu dib u magacaabay, ayaa xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid si weyn uga hor yimaadeen.

Ansixinta Xubnahan ayaa imaneysa xili uu muran baahsan ka taagna guddidaasi cusub ee komishanka Somaliland, gaar ahaan xubnihii uu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabey kamid noqoshada guddidaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa