Golaha wakiillada Libya oo go’aan ka gaaray musharaxnimada wiilka Gaddafi

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Golaha Wakiillada baarlamaanka Libya Mr Aguila Saleh Issa, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Libya uu u tartami karo Saif al-Islam Kadhafi, oo ah wiilkii hoggaamiyihii hore ee Liibiya Muammar Gaddafi.

Mr Aguila Saleh Issa, ayaa sheegay inaanu jirin sharci Saif al-Islam Kadhafi ka mamnuucaaya inuu u tartamo doorashada la filaayo inay dhacdo dhawaan.

Afhayeenku waxa uu sheegay in dhammaan qodobada Dastuurka Libya ay fasaxayaan in Saif al-Islam Kadhafi uu shuruud la’aan isugu soo taagi karo doorashada, iyadoo la eegaayo xuquuqdiisa muwaadinimo.

Afhayeenku waxa uu intaa raaciyay in doorashada dhicitaankeeda uusan dhaafi doonin sanadkan gudihiisa, sida uu xaqiijiyay hogaamiyaha barlamaanka dalkaasi.

Afhayeenka Golaha Wakiillada Aguila Saleh Issa, ayaa u sheegay wargeyska Sputnik in xeerka cusub ee cafiska oo la meel mariyay , Saif iyo qofkasta oo kale ay u tartami karaan inay hoggaamiyaan waddanka waqooyiga Afrika.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaannu hirgelinay sharciyo cafis iyo sharciyo ku saabsan joojinta go’doonka siyaasadeed. Hadda muwaadin kasta oo Liibiya, oo aan sharci ahaan lagu xukumin, wuxuu xaq u leeyahay inuu u tartamo madaxweynaha. Codeyntana waxa ay muujin doonta in Saif uu dadku caan ku yahay, “.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay qoyska Qadaafi ayaa bishii December 2017 xaqiijiyay in Saif uu haysto taageerada iyo aqoonta si uu usoo afjaro rabshadaha waddanka tan iyo markii aabihii xukunka laga tuuray.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaadkii kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihiis, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa soo saartay amar ah in la xiro Saif bishii Juunyo 2011 iyada oo lagu tuhunsan yahay dilka iyo dibad baxa rabshadaha watay, wallow baaritaano daba dheeraaday kadib Saif al-Islam Kadhafi lagu waayay kiiskii loo xiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com