25.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo cusub oo lala galay 3 dal + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey illaa saddex heshiis oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada iyo cilmi-baarista, kadib markii kulankoodii caadiga ah ee todobaadlaha ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa waxaa si buuxda loogu meel mariyay heshiisyadan oo ay soo gudbisay wasaaradda waxbarashada.

Hehsiisyada isfgarad ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo kuwa muhiim ah ayaa kala ah:-

  1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan Waxbarashada.
  2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan Tacliinta Sare iyo
  3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya kuna saabsan Tacliinta Sare Cilmi Baarista.

Intaasi kadib golaha ayaa dhageystay warbixinno la xiriira howlaha wasaaradaha, kuwaas oo ay soo bandhigeen qaar kamid ah xubnaha golaha, sida wasiirada amniga iyo gaashaandhigga oo iyagu ka warbixiyay amniga guud ee dalka.

Waxaa kale oo kulanka looga hadlay dardargelinta howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulihii ugu dambeeyay ee ciidamada ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro argagixisada, taas oo qeyb ka ah qorshaha lagu xaqiijinayo amniga iyo xoreynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka argagixisada.

Heshiisyadan la ansixiyay waxaa ka horreeyay kuwa kale oo difaac, kuwaas oo kala  Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, kuwaas oo dhowaan ay meel mariiyeen golaha.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyada oo heshiisyada la galay ay kusoo aadeen, iyada oo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac loola soo galy dalal waawayn oo kamid ah waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News