27.9 C
Mogadishu
Thursday, August 28, 2025

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo difaac oo lala soo galay 3 DAL

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadleen arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda dalka, iyada oo sidoo kale lagu ansixiyay heshiisyo difaac oo muhiim ah.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meel-mariyay heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Heshiisyadan oo lala soo galay saddex dal ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa dhageystay warbixinno la xiriira howlaha wasaaradaha, kuwaas oo ay soo bandhigeen qaar kamid ah xubnaha golaha, waxaana shirka guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka koowaad Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Waxaa kale oo kulanka looga hadlay xaaladda amniga dalka iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyada oo heshiisyada la galay ay kusoo aadeen, iyada oo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac loola soo galy dalal waawayn oo kamid ah waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News