27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qaraar ku saabsan qorshaha kala-guurka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodiii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cod buuxa ku ansixiyay qaraar ku saabsan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxabannaan ee Xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah loo soo afjari doono dhammaadka bisha Oktoobar 2025.

Golaha ayaa cod gacan-taag ku meel-mariyay qaaraarkan oo qayb ka ah qorshaha kala-guurka Xuquuqul Insaanka (2025–2026), kaas oo Soomaaliya ay ku qaadanayso mas’uuliyadda kormeerka iyo u kuurgelidda xuquuqul insaanka, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka dalka.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sidoo kale caddeysay in talaabadani ay muujineyso diyaar-garow dowladeed iyo mas’uuliyad qaran oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqul insaanka, loogana gudbayo hababkii ku-meelgaarka ah ee caalamiga ah.

Ra’iisul wasaae Xamza Cabdi barre oo kulanka guddoomiyay ayaa dhankiisa hoosta ka xarriiqay in muhiimad gaar ah la siinayo dhameystirka iyo howlgelinta Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC).

Sidoo kale, shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa lagu meelmariyay Hindise-Shraciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga iyo Hindise-Shrciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaas oo muhiimad weyn u leh adeegga bulshada.

Waxaa kale oo shirka lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.

Golaha ayaa intooda badan shirkooda oo todobaadle ah uga hadlay shaqooyinka xukuumadda, waxaana sidoo kale lagu meel-mariyada heshiisyada caalamiga ee ay dowladdu soo gasho, iyada oo kadib loo sii gudbiyo labada gole ee Baarlamaanka.

Kulankan kii ka horreeyay Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyay heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Heshiisyadaas oo lala soo galay saddex dal ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyada oo heshiisyada la galay ay kusoo aadeen, iyada oo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac loola soo galy dalal waa wayn oo ay kamid yihiin waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News