28.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Golaha Wasiirada Somalia oo maanta ansixiyay xeer-nidaamiye muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulankaasi lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara.

Xeerkan ayaa muhiim u ah ilaalinta badqabka isgaarsiinta dalka, maadaama xargaha badda mara ay yihiin laf-dhabarta xiriirka gudaha iyo dibadda.

Kulanka waxaa guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, isagoo hoggaamiyay doodaha iyo ansixinta qodobbada muhiimka ah ee miiska saarnaa, isagoo adkeeyey doorka Dowladda ee horumarinta adeegyada muhiimka ah.

Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsanaa ee kulanka lagu soo qaaday ayaa ahayd diyaar garowga toddobaadka xorriyadda, oo si weyn loogu dabaaldego sanad walba. Warbixin laga soo jeediyey kulanka ayaa muujisay in qaban-qaabada munaasabaddaasi ay meel wanaagsan marayso.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxa ay warbixin ku saabsan Imtixaanka Qaranka ee sanad-dugsiyeedka 2025 ka dhageysteen wasaaradaha ay khusayso. Waxaa la xaqiijiyey in imtixaankaasi si rasmi ah uga bilaaban doono gobollada dalka maalinta Sabtida ah, iyadoo la hubinayo in habsami u socodkiisu uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo.

Intii uu kulanka socday, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka. Waxaa diiradda la saaray xoojinta dadaallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee caqabad ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyey geesiyaasha ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku jira jiidda hore ee dagaalka. Golaha Wasiirradu waxa ay muujiyeen garab istaag buuxa oo ay u hayaan ciidanka naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadkiisa.

Golaha ayaa ugu dambeyntiina adkeeyay muhiimada ay leedahay wada shaqaynta hay’adaha dowladda iyo xoojinta maamulka si loo gaaro horumar joogto ah oo dalka ka hirgala.

- Advertisement -

Read more

Local News