Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay heshiis cusub oo lala soo galay Sacuudi Carabiya.
Heshiiskan ayaa ah mid iskaashi oo u dhexeeya hay’adda guud ee gaadiidka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiiddka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay xeerka dhismaha machadka Soomaaliyeed ee badaha iyo axdiga caalamiga ah ee halbeegyada tababarka, sgahaado siinta iyo ilaalinta badmaaxiinta,1978,
Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahad-celiyay meel-marintan.
Wasiirka ayaa tilmaamay heshiiskan, xeerkan iyo axdigan ay muhiim u yihiin xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee gaadiidka badda, dhismaha iyo tayeynta hay’ad qaran oo soo saarta xirfadlayaal badeed oo tayo leh, iyo hubinta in badmaaxiinta Soomaaliyeed ay helaan tababar, shahaado iyo badbaado la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.
Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda iyo siyaasadda guud ee xukuumadda Dan-Qaran.
Tan ayaa taageeraysa hirgelinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP), horumarinta danaha qaranka, kobcinta dhaqaalaha buluugga ah, iyo sare u qaadista kaalinta Soomaaliya ee ganacsiga iyo gaadiidka badda.

