28.7 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

R/W Xamza oo weerarkii ay soo qaadeen mucaaradka ku tilmaamay isku day afgambi

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay amniga magaalada Muqdisho, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidanka dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo si kulul uga hadlay dhacdadii shalay, gaar ahaan tegistii xubnaha mucaaradka ee saldhigga degmada Warta Nabadda, waxaana uu ku tilmaamay inay ahayd isku day afgambi oo fashilmay.

“Weerarka saldhigga wuxuu ahaa Isku day afgambi fashilmay sharciyadda iyo dowladnimada waxaa lagu soo qaaday duulaan hubeysan ku qaadeen, waxaan farayaa ciidamada Amniga inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo fal dambiyeed ku kacda” ayuu yiri Xamza

Sidoo kale waxaa shirka Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.

Intaas kadib Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Shraciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga iyo Hindise-Shrciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaas oo muhiimad weyn u leh adeegga bulshada.

Golaha ayaa intooda badan shirkooda oo todobaadle ah uga hadlay shaqooyinka xukuumadda, waxaana sidoo kale lagu meel-mariyada heshiisyada caalamiga ee ay dowladdu soo gasho, iyada oo kadib loo sii gudbiyo labada gole ee Baarlamaanka.

Kulankan kii ka horreeyay Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyay heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Heshiisyadaas oo lala soo galay saddex dal ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyada oo heshiisyada la galay ay kusoo aadeen, iyada oo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac loola soo galy dalal waawayn oo kamid ah waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News