KENYA oo shaacisay xilliga la fasaxayo QAADKA ay usoo dhoofiso Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale faah faahin dheeraad ah ka bixisay halka ay marayaan wadahallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee lagu doonayo in lagu fasaxo qaadka dalkaas oo sanadihii lasoo dhaafay ka xayirnaa Somalia.

Wasiirka beeraha ee Kenya Peter Munya ayaa u sheegay Wargeyska The Star in qaadka ay Soomaaliya si rasmi ah u fasixi doonto 5-ta bisha soo socota July ee sanadkan 2022-ka.

Peter Munya ayaa xusay in heshiis ku aadan qaadka ay labada dowladood ku saxiixi doonaan magaalada Nairobi oo ay isugu tagi doonaan madaxda labada dal.

“Shanta July ayaa heshiiska lagu saxiixi doonaa halkaan oo ah magaalada Nairobi” ayuu yiri wasiirka beeraha ee wadanka Kenya.

Sidoo kale wasiir Peter Munya ayaa ka gaabsaday waxa ay dowladda Soomaaliya ku bedelaneyso qaadka dib loo fasaxayo oo ay Kenya ka hesho dhaqaale fara badan, Soomaaliya ayaana ah suuqa weyn ee loo soo dhoofin jiray qaadka laga keeno dalkaasi.

Soomaaliya ayaa horey dhankeeda shuruudo waa weyn u hordhigtay dowladda Kenya, waxaana ka mid ah arrimaha ay dalbatay oo ay dooneyso in la fuliyo 1-Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, 2– Fududeynta safarka iyo 3– Dhoofinta Kalluunka.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan intaba.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya, iyada oo isbedel siyaasadeed uu ka dhacay Soomaaliya, kadib doorashadii uu kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May.