26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Goorta baarlamanka Jubalanad lasoo dhameystirayo oo shaaca laga qaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gedo (Caasimada Online)- C/naasir Seeraar, afhayeenka maamulka Jubbaland oo saxaafada la hadlay ayaa kaga dhawaaqay goorta la doonayo in lasoo idleeyo soo magacaabista golaha baarlamaanka ee maamulka Jubba.

Afhayeenka ayaa sheegay in gobolka Gedo ay u joogaan qorshihii ugu dambeeyay ee lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka ee maamulka Jubba uu yeelanayo, isagoo sheegay inay kulamo la qaadanayaan waxgaradka degmadaasi.

“Wafdi balaaran ayaa halkaan jooga oo Fartaag uu hogaaminayo, halkaan waxaan u nimid dhameystirka maamulka Jubbaland gaar ahaan golaha sharci dajinta, kaliya waxaa dhinaa inaan abaabulno gobolka Gedo”ayuu yiri Seeraar.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dhamaadka bishaan lasoo magacaabi doono lala soo idleyn doono dhismaha baarlamaanka uu yeelanayo maamulka KMG ee Jubba.

“Dhamaadka bishaan Febraayo waan soo gabo-gabeynaynaa waliba inaan ka faraxalano ayaan rabnaa 22-ka bishaan February”ayuu hadalkiisa kusii daray afhayeenka Jubbaland.

Waxaa jira saluud laga muujinayo wafdiga dhawaan tagay gobolka Gedo, iyadoo xarunta gobolka ee Garbahaareey ay ka socdaan kulamo ka dhan ah dhismah baarlamaanka mamaulka Jubba.

Caasimada Online
Xafiiska  Gedo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News