26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Warbixin: Goorta ciidamada AMISOM la geyn doono Cadaado oo la shaaciyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen ”Odawaa”, ayaa shaaca ka qaaday goorta Ciidamada AMISOM lagaarsiin doono Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in 25-ta bishaan ay gaari doonaan Magaalada Cadaado, si ay u xaqiijiyaan Ammaanka magaaladaasi ka hor inta aan bilaaban dadaalada loogu jiro dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe.

Wasiirka waxa kaloo uu ku baaqay in gudiga Farsamada ay tagaan Magaalada Cadaado, maadaama lagu wado in horaanta bisha soo socoto uu Cadaado ka furmo shirka.

C/raxmaan Odawaa ma aanu kala cadayn dalalka ay ka socdaan Ciidamada AMISOM, ee maalmaha ina soo aadan la filaayo inay gaaraan Magaalada Cadaado.

Dhanka kale, Warar madax banaan, ayaa waxay sheegayaan in Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, ay iyagu yihiin kuwa loogu talla galay in la geeyo Magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News