25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Goorta ciidamada Ethiopia ay tagayaan magaalada Kismaayo oo la shaaciyey !

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtey in ciidamo ay u direyso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay dhawaan ka baxeen ciidamo ka socdey dalka Sierra Leone.

Mac-hadka caalamiga ah ee tabobarka nabad illaaliyeyaasha ee Itoobiya ayaa sheegey in illaa 600 askari loo kala dirayo Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo Gobolka Abyey ee Suudaan.

Sida uu sheegey madaxa mac-hadka Xasan Ibraahim, ciidamadani ayaa Kismaayo tagaya bisha Maarso ee sanadkani, waxaana la gaarsiin doonaa 800 oo askari.

Horey ciidamo Itoobiya ka socda oo qeyb ka ah AMISOM ayaa ugu sugnaa Soomaaliya, balse waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysey oo ay Kismaayo tagaan.

Waa astaan kale oo ku tuseysa sida dalka Soomaaliya uu gacanta ugu sii galayo ciidamada shisheeye ee cadowga u ah umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News