Muqdisho (Caasimada Online)-Cismaan Maxamed Careys oo ah Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa sheegay in gudaha Asbuucan nagu soo beegan ay suuragal tahay inay furaan shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Gal-gaduud oo ka dhici doono Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado.
Waxa uu sheegay in xiligaani ay soo afjareen gabi ahaan dadaaladii ay ugu gogol xaarayeen furitaanka Shirka, wuxuuna ballan qaaday in xiligaani iyo wixii ka dambeeya aysan u istaagi doonin amaro lid ku ah dhismaha Maamulka.
Isaga oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Maalmaha ka dhiman Sanadka cusub war lagu farxo ayaa la maqlayaa, waxaana Muqdisho naga jira gudigii farsamada oo tababaro soo qaadanaya, balse maalmaha soo aadan wey imaanayaan, shirkana waa uu furmi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb.
Cadaado waxaala filayaa in uu ka furmo shir balaaran oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, kaas oo ay ka qeyb gali doonaan ergo aad u badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]