Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa si adag u sheegay in dadka gobolkaasi aysan jirin meel ay uga laabtaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Wuxuu caddeeyay in dagaalka ay ku jiraan uu joogsan doono marka ay Al-Shabaab ka adkaadan ama iyaga ay ka adkaato kooxdu midkooda. Taas oo ka dhigan in dagaalka Xawaadle uu ku jiro uusan joogsan doonin illaa kooxda laga ciribtiro Hiiraan iyo guud ahaan dalka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shacabka Hiiraan ay si buuxda uga go’an tahay in ay sii wadaan dagaalka, isla markaana aysan marnaba oggolaan doonin in ay kooxda Al-Shabaab ku sii sugnaato deegaanadooda. Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in dagaalkaas uu yahay mid natiijo wax ku ool ah laga filayo.
“Anagu dagaalka kama noqonayno ilaa aan guul gaarno ama la naga adkaado, xabadeena ma istaagayso, hal ku dhiggeenuna waa guul ama geeri,” ayuu yiri Muuse Salaad. Wuxuu intaas ku daray in rajo weyn laga qabo in guushu ay u soo hoyato shacabka, isagoo ku booriyay Soomaalida kale inay ku daydaan dagaalka ay wadaan dadka Hiiraan.
Muuse Salaad wuxuu sidoo kale iftiimiyay in Al-Shabaab ay culays xoogan saareen gobolka Hiiraan, isagoo xusay in Hiiraan ay tahay meelaha ugu badan ee xabbaddu kaga socoto kooxda. Taas oo uu sheegay inay muujinayso sida kooxda ay ugu aragto gobolka mid muhiim ah oo la isku hayo.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in istiraatiijiyadda dagaalka ay tahay in xoogga la isugu geeyo halka uu dagaalku ka culus yahay, si guul laga gaaro. Sidaas darteed ayuu sheegay in dadka deegaanka iyo ciidamada difaaca ay si buuxda xooggooda ugu wajahaan halkaas, taasoo ay kooxda Al-Shabaab ugu dambeyn kaga adkaan doonaan.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmahan dambe ay gobolka Hiiraan ka socdeen dagaallo culus oo u dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda oo garab ka helaya ciidanka xoogga dalka, iyadoo shacabka iyo maamulka Hiiraan ay muujinayaan go’aan adag oo aan dib uga noqosho lahayn.

