27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Guddi doorasho oo 2-aad oo looga dhowaaqay Jubaland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha Badbaadada Jubaland ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada Jubaland, oo ah mid ka madax banaan guddiga uu horey u magacaabay maamulka Jubaland.

Qoraal kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay inay qaadeen tallaabadan kadib markii sida ay sheegeen maamulka Jubaland “uu ku guul-darreystay wax kasta oo laga rabay si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.”

Golaha badbaadada ayaa sidoo kale sheegay inay talo-bixin arrintan ku aadan ka heleen odayaasha dhaqanka Jubaland, si loo dedejiyo hanaanka soo xuliska xildhibaannada.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada Caasimada Online ay ogaatay in qaar qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ay qorsheynayaan inay qabtaan doorasho ka baxsan midda uu mas’uulka ka yahay maamulka Jubbaland.

Hoos ka aqriso waddada lagu magacaabay guddiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News