25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Guddi kale oo doorasho oo looga dhawaaqay Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jubbaland, gaar ahaan garabka la magac baxay bad-baadada Jubbaland, ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Sidoo kale baarlamaanka maanta magacaabay guddiga doorashada, ayaa waxay soo saareen habraaca doorashada madaxweynaha Jubbaland, oo ay sheegeen in la qabanayo 22-ka bishan.

Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa ka kooban 13 qof, dhaamaantoodna waa xildhibaanada garabka ay ku dhawaaqeen musharaxiin is-baheysatay oo kasoo hor jeeda, hanaanka loo wado doorashada maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News