26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Guddiga doorashada ‘oo khalad wayn ku dhacay’ ka hor maalinta doorashada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo wareysi gaar ah siisay Shabelle Tv ayaa ka hadashay arrimaha doorashooyinka, iyada oo soo bandhigtay ‘khalad wayn oo ka dhacay’ Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee maamulaya doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xaliimo Yarey ayaa si gaar ah uga fal-celisay hadal kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan Cabdikariin Axmed Xasan oo dhawaan shaaciyay in maalinta ay dhaceyso doorashada la xiri doono waddooyinka, balse guddiga uu diyaariyay gaadiid, isla markaana dadweynaha uu gayn doono goobaha cod-bixinta, taas oo ay ku tilmaamtay inay tahay khalad, kana hor imaaneyso shuruudaha doorashooyinka.

“Waxaan maqlaayay guddoomiyaha guddiga doorashada oo dhahaayo maalinta doorashada jidadka dhan waa xiran yihiin dadka wax dooranaayo annaga ayaa baabuur u keeneyno oo qaadeyno markaas waxaa la jabiyay shuruudihii doorashada” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay in doorashadu xor tahay, isla markaana qofka la rabo inuu isagu tago goobta, amaba uu ka baaqan karo, sida ay ku dooday Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan.

Marwo Xaliimo ayaa carrabka ku dhufatay haddii ay taasi dhacdo oo uu guddigu ku adkeysto go’aankiisa in dadka ka qayb-galaya doorashada ay noqon doonaan kuwa lasoo xushay, ayna arrintaasi kala talineyso guddiga.

“Adiga guddiga ah qof doorasho aadaayo keenisteeda shaqo kuma lihid doorashadu waa xor adaa tageysid adaa diideysid” ayay mar kale tiri.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Guddiga doorasada haddii uu yiraahdo anaa keenaayo dad lasoo xushay ayaa doorashada u socdo waayay micnaheeda arrintaasna waa kala talinayaa inay iska saxaan”.

Doorashooyinkan oo qof iyo cod ah, laguna soo dooran doono goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay dhacaan 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota, waxaana weli halkeedii ah diidmada mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo bannaanka jooga.

- Advertisement -

Read more

Local News