26.5 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Guddiga doorashada oo laalay natiijada doorashadii shalay dhacday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay gudiga doorashada heer federaal ayaa waxay ku sheegeen inay laaleen natiijada doorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa u qornaa sida hoose:-

Ku: Xubnaha Guddiyada gaarka ah ee u xil saaran qabashada kursiga Doqon Diide ee Gaaljecel

Ujeddo: Go’aanka GFHDD ee Kursiga Juffada Doqon Diide ee Beesha Gaaljecel Xubnaha GFHDD waxay isku raceen markii ay ka doodeen kursiga Doqon Diide si xal looga gaaro tallaboyinka soo socda:

  1. In la raaco sida hannanka doorashada dadban qabo in juffada kursiga iskaleh ee Doqon diide keliya ay ka timaado ergada iyo musharaxiintaba.
  2. In hannanka doorashada si cadaalad ah ugu dhacdo oo la waafajiyo xeerka codeynta iyo tirinta coddadka ee ay GFHDD u dejiyeen dorashada dadban.
  3. In xubnaha GFHDD ay hubiyaan warqadaha codbixinta in aysan calamadaysanayn ka hor inta aan la codayn iyo ka dib markii la codeeyo.
  4. In marqaati looga dhigo lana tuso warqadaha lagu codeynaayo korjoogayaasha, warbaahinta iyo wakillada Qaramada Middoobay si doorashada ay u noqoto mid daahfuran oo cadaalad ku dhacday. Sidaas darteed xubnaha GFHDD wuxuu ka codsanayaa xubnaha Guddiga gaarka ah ee loo idmaday qabashada kursigaas Doqon Diide ee Jubbaland in ay doorashadiisa soo gabagabeyaan ka hor doorashaa Madaxwaynaha.

Guddigu waxuu aad uga mahadcelinayaa xubnaha labada Guddi ee maraynaya doorashada kursiga Doqon Diide ee lagu qabanayo magalada Kismaayo. Guddiga wuxuu rumaysan yahay in xubnahaas ay daadaal iyo juhdi badan geliyeen in si cadaalad ah u dhacdo doorashada kursigaas Doqon Diide lakiin ay kala kulmeen dhibaatooyin iyo ismariwaa. Guddiga waxuu idiin rajaynayaa in aad ku gulaysataan doorashada kursiga. Dhamaad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News