Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ka hadashay Sharciga doorashooyinka oo Khamiistii shalay aheyd ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay in doorashada Soomaaliya ay ku dhaceyso waqtigii loogu talo galay loona qorsheeyey, waxaana ay ugu baaqday Dowlad Goboleedyada inaysan muujin walwal ku aadan in Madaxda hadda joogta ay sameystaan waqti kordhin.
Xaliima Yarey ayaa waxa ay shaaca ka qaadauy in siyaasiyiinta ay cabsi weyn ka muujiyeen sharciga balse sharciga la horgeyn doono baarlamanka.
Siyaasiyiin, qaar ka mid ah Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa si wadajir ah waxa ay uga soo horjeesteen Sharciga Doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Halkan hoose ka dhageyso Xaliimo Yarey
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]