Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay goobaha cod-bixinta doorashooyinka dhawaan ka bilaabanaya degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddiga ayaa soo bandhigay liiska xarumaha iyo goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee magaalada Muqdisho.
Liiska degmooyinka ee doorashooyinka ka dhacayaan ayaa ah 16 degmo, iyada oo xarumaha iyo goobaha ay ku kala badan yihiin degmooyinka.
Xarumaha guud ayaa ah 213, halka goobaha rasmiga ah ee loo asteeyay cod-bixinta ay iyana gaarayaan illaa 523 goobood, sida ku cad warqad kasoo baxday Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxaa maanta doorashada darteed loo fasaxay goobaha waxbarashada gobolka Banaadir, sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.
“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday Wasaaradda.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dagmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha”.
Doorashooyinkan ayaa qabsoomaya, iyadoo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka oo ay diidan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.


