27.4 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Guddiga doorashooyinka oo war cusub kasoo saaray doorashada gobolka Banaadir

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in qeybinta kaararka codbixinta ee dadka ku nool gobolka Banaadir ay si rasmi ah uga bilaaban doonto magaalada Muqdisho toddobaadka soo socda.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in fariin gaar ah loo diri doono muwaadin kasta oo hore isu diiwaangeliyay, si uu uga soo qaato kaarkiisa goobtii uu horey uga diiwaangashanaa.

“Qof kasta waxaa loo soo diri doonaa fariin uu ku ogaanayo goobta uu ka qaadanayo kaarka codbixinta, waxaana laga codsanayaa inuu tago halkaas si uu u helo kaarkiisa,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa uu intaasi ku daray in wajiga hore ee qeybinta lagu bilaabi doono degmooyinka xeebta ku teedsan ee Xamar Weyne, Shingaani, Boondheere, Xamar Jajab, Waaberi, Shibis iyo Cabdicasiis.

Guddigu wuxuu tilmaamay in guud ahaan 42 goobood laga hirgelin doono qeybinta kaararka doorashada, si ay dadka deegaanka ugu fududaato helitaanka kaarka codbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, tirada dadka hore isu diiwaangeliyay ayaa kor u dhaaftay 900,000 qof, taas oo muujinaysa sida ay shacabka ugu diyaar garoobeen doorashooyinka heer degmo ee la qorsheeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneya xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray dhismaha guddiga wada doorashooyinkan.

- Advertisement -

Read more

Local News