25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Guddiga doorashooyinka oo war cusub kasoo saaray doorashada berri

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in tirada codeeyasha ee qaatay kaarka codbixinta doorashada Muqdisho ay dhan tahay 503,916 oo qof.

Dadkan ayaa ka qeyb qaadanaya doorashada berri oo Khamiis ah 25-ka bisha December 2025 ka dhaceysa magaalada Muqdisho, taas oo dadweynaha gobolka Banaadir ku soo dooranayaan metelayaashooda goleyaasha deegaanka.

Guddoomiye Cabdikariim Axmed ayaa sheegay in muwaadiniinta qaatay kaararka codeynta oo keliya ay ka qayb qaadan karaan doorashada, isagoo adkeeyay in aan la oggolaan doonin in ay codeeyaan dad aan haysan kaarka rasmiga ah.

“Shacabka ku dhaqan Muqdisho waa in ay si nabad ah, xilkasnimo leh, kana fogaadaan qalalaase u gutaan waajibaadkooda doorasho, si ay doorashadu ugu dhacdo jawi deggen oo hufan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Doorashada ayaa berri ka dhacaysaa 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana ku tartamaya 20 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay metelayaan 1,604 oo musharrax oo ku tartami doona 390 kursi.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo bandow la gelinayo caasimadda inta ay soconeyso codeynta doorashada oo ah lixda aroornimo (6:00 AM) ilaa lixda maqribnimo (6:00 PM), waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay si adag uga soo horjeedaan doorashada la qorsheeyay maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka ee ay hormuudka u tahay Villa Somalia.

Shir ay xubnahan ku yeesheen magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxa ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada ay u direen in iyana ay guda gali doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

- Advertisement -

Read more

Local News